Max’ed Rashiid Max’ed oo isu soo sharaxay xilka Gudoomiye barlaman

maalik_som August 23, 2012 Comments Off

Musharax Max’ed Rashiid Max’ed

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Xilli Guddiga Doorashada Guddoonka sare ee barlamanka uu shaaciyay inay bilaabayaan qabashada araajida Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiye barlaman ee Soomaaliya ayaa waxaa xilkaasi isu soo taagay Musharaxa  Max’ed Rashiid Max’ed Sheekh Daahir oo ahaa Xisaabiyaha guud ee qaranka, haatanna ka mid ah Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomaaliya. 

Musharaxa Max’ed Rashiid oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in uu u taagan yahay qabshada xilka guddoonka sare ee barlamanka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in baahida xilligaani keentay in uu isa soo sharaxo ay tahay wax u qabashada dalka iyo dadka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay. 

Sidoo kale Xildhibaan Max’ed Rashiid ayaa waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in uu ku guuleysan doono qabasha xilkaasi, waxaana uu carabka ku dhuftay in xilal kala duwan uu kasoo qabtay Xukuumadihii soo maray dalka, sidaasi darteedna iminka uu diyaar u yahay in uu wax badan ka qabto xaaladaha Sooamaliya. 

Markii la doorto guddoomiye barlaman ayaa waxaa sii raaci doono doorashada Madaxtinimo ee dalka Somaaliya, taasi oo ay dad badan indhaha ku hayaan qofka ku guuleysan doona, iyadoo ay xusid mudan tahay in Madaxda Dowladda dhinacooduna uu yahayo waqtiga.

Comments are closed.

Facebook

Twitter