New York: (Sh. M. Network) Max’ed Cali Samatar, oo 76-sano jir ah, Soomaaliyana xilal kala duwan ka soo qabtay ayaa Maxkamad Federal ah oo ku taalla dalka Maraykanka waxa ay ku xukuntay in uu bixiyo dhaqaalo Maaliyadeed oo gaaraya 21-milyan oo dolarka Maraykanka ah.
Mr. Samatar ayaa loo heystay eedeeymo ay ka midyihiin in Tacadiyo ka dhan xuquuqul aadanaha iyo dilka dad rid ah intii uu jiray maamulkii Max’ed Siyaad Bare Madxweynihii hore ee Soomaaliya.
Eedeymaha ka dhanka ahaa Max’ed Cali Samantar oo ay wadeen kooxo Soomaali ah ayaa waxa ay sheegayeen in ciidamadii iyo saraakiishii xilgaasi hoostagaysa xukunka Mr. Samatar ay tacadiyo iyo jirdil u geysteen eheladooda oo ku dhaqan dhulka Soomaaliya.
Max’ed Cali Samatar ayaa ku noolaa Virginia tan iyo 1997-dii, waxaana uu Soomaaliya ka soo noqday Wasiirka Difaaca 1980, isagoo sidoo kale Ra’iisul wasaare ka soo noqday intii u dhaxeysay 1987 ilaa 1990-kii.




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.