Muqdisho: (Sh. M. Network) Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda KMG Max’ed Cali Catoosh oo u waramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda ay waddo qorshe lagu soo gaba gabeynayo howlgallada ka soconaya Soomaaliya ee lagula jiro Al Shabaab.
Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Dowladda iyo kuwa taageera ee AMISOM qorshahoodu uu yahay in sidii looga saaray Al Shabaab Magaalada Muqdisho, haddana looga xoreeyo gobolada fara ku tiriska ah oo ay kaga sugan yihiin Koofurta Soomaaliya kuwaasi oo uu xusay in xilligaani ay marayaan meel gabo gabo ah.
Max’ed Cali Catoosh, Wasiirka ku xiggeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Dowladda ay ka warhayso xaaladda Al Shabaab iyo sida Ajaanibtii ka barbar dagaalamaysay Al Shabaab ay u bilaabeen inay isaga baxsadaan Soomaaliya, maadaama sida uu tibaaxay ay culees ballaaran kala kulmeen Ciidamada Iskaashanaya ee Soomaaliya iyo AMISOM.
Hadalka Wasiirka ayaa waxa uu imaanayaa xilli Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM howlgallo wada jir ah ay ka wadaan gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya gaar ahaan Sh/hoose iyo deegaanno ka tirsan Jubbooyinka.























Comments are closed.