Nairobi (Sh.M.Network)—Xildhibaan Maxamed Affey oo ka tirsan Barlamanka Kenya ayaa ku tilmaamay eedeytii uu wasiirka arrimaha dibadda ee dowlada Kenya Sam Ongeri uu usoo jeediyay madaxweynihii hore ee TFG-da Sheekh Shariif inay yihiin kuwa aan si fiican looga fiirsan oo mas’uuliyad darri ku jirto.
Xilli isagoo ku sugan magaalada Brussels, Belgium, uu qadka Taleefonka Waraysi uu ku siinayay wargeyska the Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa waxa uu xildhibaanku sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Sam Ongeri uu ku eedeeyo Sheikh Shariif in uu ka danbeeyay weerarkii dhawaan ka dhacay Hotelkii uu deganaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.
Xildhibaan maxamed Affey ayaa tilmaamay in eedeymaha noocaas ah ay wax u dhimayaan isbedelka ka dhacay Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray in weerarka ay mas’uuliyadiisa sheegteen Al shabaab.
“Waxaan ka xumahay in Sam Ongeri uu ku hadlo hadal aan xaqiiqo ahayn oo sii hurinaya colaadda Soomaaliya, wax waliba waxaa loo baahan yahay in lagu saleeyo caddeyn, waayo aniga waxaan ka mid ahaa madaxdii la socotay wafdigii Kenayan-ka ahaa ee lagu weeraray Hotel Jazeera,” sidaasi waxaa yiri sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha Guddiga sinaanta fursadaha ee dalka Kenya Xildhibaan Maxamed Affey oo ka tirsan Barlamanka Kenya.
Sidoo kale Xildhibaanka Affey ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif oo si wasnaagsan u maamuley xil wareejinta, ayaa soo abaabuley weerarkan, taasina waa sababta uu Hotelka uga soo muuqdey, hadalada noocaas oo kale ah waxay ka soo bixi karaan qof waalan,waxaana ay wax u dhimayaan hanaanka diblomaasiyadda ee Kenya.
“Sheekh Shariif markii uu maqley qaraxa ka dhacay Hotelka Jazeera, waxa uu daqiiqado kadib noogu yimid Hotelka, waayo wuxuu ogaa in Hotelka aan joogno waxa ay ahayd taasi naxariis uu sameeyey, haddii uu ka danbeyn lahaa ma u malaynayo inuu sidaas samayn lahaa, sidaasi darteed waxaa habboon in Sam Ongeri u ka fiirsado hadaladiisa,” Affey ayaa intaasi ku daray hadalkiisa.
Ugu dambeyn Xildhibaan Maxamed Affey waxa uu ugu baaqay Wasiirk Arrimaha dibadda ee dowladda Kenyan Sam Ongeri inuu sii aad ah oo feejigan ugu fiirsado markii uu ka hadlayo arrimaha Soomaaliya.



















Comments are closed.