Maxaa Codadka loogu diiday Sheekh Shariif oo loo siiyay Prof. Xasan?

maalik_som September 11, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)    Maxay tahay sababta Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomaaliya ay Codkoodu ugu diideen Madaxweynihii hore ee Dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waa 48-sano jir, talada dalka Soomaaliyana la wareegay 31, January sanadkii 2009-ka, waxaana Soomaaliya uu Maamulayay 4-sano oo ay Soomaaliya ka jirtay Dowlad KMG ah oo uu isagu uu Madaxweyne ka ahaa. 

Sheekh Shariif, waxa uu ka mid ahaa 25-Musharax oo  isu soo taagay qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya, waxaana xalay Doorsahada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya oo ka dhacday Muqdisho looga guuleystay, hase ahaatee habeen ka hor ayaa Munaasbad ay ka wada qeyb qaateen Madaxweyne Shariif iyo Guddoomiyihii hore ee barlamanka KMG ah Shariif Xasan Sheekh Aadanwaxa uu ka sheegay Sheekh Shariif  in loo baahan yahay is badal siyaadeed ee ka dhaca dalka Soomaaliya, inkastoo uu carabka ku dhuftay in qofaan isaga aheyn uu hoggaamin karin Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay. 

“Dalkaani isbadal waa uu u baahan yahay, Laakiin isbadalka uu u baahan yahay waa in Dowladnimada la hergaliyo oo ay hana qaaddo, qof hadda yimiday oo Boorsadiisa wata amma qofaan soo shaqeyneynin in uu yiraahdo anaa Isbadal sameynaaya, waxaana u arkaa arrin aan waaqici aheyn, arrin aan suurto gal aheyn ayaan u arkaa, Isbadal waxaa sameyn kara qof xog ogaal ah ” sidaasi waxa yiri Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif. 

Maxay tahay sababta xalay markii Wareegga Koowaad uu kusoo baxay Madaxweyne Sheekh Shariif, Prof. Xasan Sheekhna uu ahaa Musharaxa la tartamayay ay Xildhibaanada Codkoodu ugu diideen Sheekh Shariif oo ay ugu biiriyeen si caqlabiyad lahe Prof. Xasan Sheekh Max’ud. 

  1. Maamul xumo
  2. Go’aan jilicsan
  3. Boob Hanti qaran, sida Hantida ma guurtada ah
  4. Safaro joogto ah oo Safarkiiba uu ku baxayo Dhaqaalo gaaraya 100-kun illaa 200-oo kun oo Doollar-ka Maraykanka ah
  5. Bixin la’aanta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya
  6. Hoggaankii Nabad sugidda oo uu u magacaabay dad aan aqoon u laheyn isagana uu Maamulo, kuna caan baxay dhibaateynta dadka rayidka ah, oo aan dambiga laheyn iyo sii deynta dadka dambiilayaasha ah oo lacago madax furasho ah laga qaato.
  7. Dhaca iyo Kufsiga ay geysanayaan Kooxaha ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda oo maalinba maalinta ka dambeysa kusii kordhaya deegaannada ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda
  8. Askareynta Shaqsiyaadka ka mid noqonaya Ciidamada Dowladda oo aan la hubin
  9. Maamulka gobolka Banaadir oo isticmaalaya awooddii Madaxweynaha, wiiqayna awooddii Wasaaradda arrimaha gudaha islamarkaana aan lagula xisaabtamin dhaqalaha soo gala Maamulka gobolka Banaadir iyo dhaqaalaha soo gala Dekadda iyo Elaboorka
  10. Bixinta Darajooyinka Ciidamada uu si sharci darro ah u bixiyay Madaxweynaha iyo dadka la siinayay lagu siinayay fulinta dano gaar ah iyo sidoo kale magacaabista Degmooyinka oo la iska magacaabayo oo si wada tashi la’aan ah loogu wada darayay gobolada dalka Soomaaliya
  11. Magacaabista Guddoomiyeyaasha gobolka oo aan lagala tashin dadka deegaanka, lana fiirin cidda mudan
  12. Hor imaansho la’aanta barlamanka
  13. Burburinta sharciga iyo iska horkeenitaanka Hay’adaha sharciga
  14. Radiyaha Qaranka iyo sidoo kale Tv-ga Qaranka oo si too ah u hoostagaya Madaxweynaha, iyadoo Wasaaradda Warfaafinta aysan ka amar qaadan Madaxda Radiyaha iyo Madxda Tv-ga, kuna howlanaa buun buuninta iyo barobogaando warar been abuur ah oo qaarkood lagu xayaysiinayay Madaxweynihii DKMG ee Shariif Sheekh Axmed
  15. Caburinta Warbaahinta Madaxa banaan iyo beegsiga Suxiyiinta oo ay beegsanayaan Shaqsiyaad ku xiran Madaxweynaha, sida Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Saraakiisha Nabad sugidda
  16. La galitaanka heshiisyo sharci darro ah Shirkado iyo Dowlado dano gaar ah ka leh dalka Soomaaliya oo aysan ka warqabin barlamanka iyo Hay’adaha Dowladda
  17. Wax ka qabasho la’aan dhinaca dib u heshiisiinta iyo sii fogeynta Maamulada qaar ee Xiriirka la leh Dowladda KMG sida Maamulka Ahlu Sunna iyo Maamul goboleedka Puntland

Madaxweynihii Dowladda KMG ah ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hadda ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoo iminka dalka uu hoggamiyo Prof. Xasan Sheekh Max’ud oo ah Madaxweynaha Dowladda buuxda  ee Soomaaliya. 

Ugu dambeyn Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay in dalka uusan u Maamulin qaabkii uu wax u Maamulay Madaxweynihii Kumeel gaarka ah ee Shariif Sheekh Axmed.

Comments are closed.

Facebook

Twitter