Mas’uuliyiin Somaliyed oo ka hadlay ammaan darrida Muqdisho

maalik_som September 28, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)    Mas’uuliyiintaani oo kala tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca, Xisbiga Dadka iyo mid ka mid Qareennada Soomaaliyeed oo ka qeyb qaadanayay Barjaamijka Nabadda iyo Nolosha ee ka baxa Tv-ga iyo Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in wax laga qabto dhibaatooyinka ammaan darri ee ka jira Magaalada Muqdisho. 

Madaxa Warfaafinta ee Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh C/laahi Yuusuf Al-qaaddi ayaa waxa uu sheegay in Hay’adaha ammaanka ee ka howlgala Magaalada Muqdisho inay ka gaabiyeen sugidda dhinaca ammaanka, islamarkaana looga fadhiyo inay wax ka qabtaan xaaladaha ammaan. 

Prof. Saciid Ciise Max’ud Guddoomiyaha Xisbiga Dadka oo isna ka qeyb qaadanayay Barnaamijka Nabadda iyo Nolosha ayaa waxa uu sheegay in Dowladda ay Mas’uuliyad ka saaran tahay inay wax badan ka qabato Xaaladda ammaan  ee dalka, Ciidamada sidoo kale looga baahan yahay inay ka hortagaan falalka ammaan darri. 

Abukaate C/rashiid Sheekh Saciid oo isna ka hadlay Ammaanka Magaalada ayaa waxa uu sheegay in waddooyinka Muqdisho aad ku arkeyso Ciidamo badan oo koox koox u socda kuwaasi oo u tibaaxay inay dhibaatooyin farabadan la kulmi karaan islamarkaana lala eegan karo qaraxyo iyo weeraro gaadmo ah. 

Hadalka Mas’uuliyiintaani kale duwan ayaa waxa uu imaanayaa xilli ammaanka Magaalada Muqdisho uu u muuqdo mid faraha kasii baxay, islamarkaana joogto ay ka noqdeen dilalka iyo qaraxyada loo geysto Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter