Muqdisho( Sh.M.Network) Wafdi ballaaran oo uu Hogaaminayo Agaasimaa Hay’adda DBG ee daryeel Bulsho Guud Cumar Colaad Axmed ayaa waxa ay Maanta Kormeer Ballaaran Ku tageen dhowr Goobood oo ku taalla Magaalada Muqdisho islamarkaana Hay’adda DBG ay Gurmad Ugu Fidiso dadka Degan.
Goobaha uu booqday Agaasimaha Hay’adda DBG Cumar Colaad waxaa Ka mid ah Xarun weyn oo ku taalla Nawaaxiga Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho halkaas oo hay’adda DBG ay Ka fuliso Gurmad Samafal oo dadka Barakacayaasha ee Halkaasi Ku nool ay Ugu Fidiso.
Masuuliyiinta Hay’adda DBG aaya waxa ay sidoo Kale Booqdeen Askari ka tirsanaa Ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isagu ku indha beelay Dagaalkii 77 ee dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Ithopiya oo halkaasi ay uga dhiseen Masuuliyiinta Hay’adda Guri weyn oo lagu xanaaneeyo.
“Daryeel Fiican ayey ii fidisay DBG allaha ka abaal Mariyo” sidaasi waxaa Yiri Siciid oo ah Askari Horay uga tirsanaa Ciidanki Xoogga dalka Soomaaliyeed oo indhihiisa ku waayay difaaca qaranka Soomaaliyeed.
Madaxda Hay’adda DBG ee Maanta Kormeerada kala duwan ku soo Bixiyay Goobo dhowr ah oo ka tirsan Meelaha Gurmadka Samafal ay ka fidiso Hay’addu ayaa waxaa wehlisay Fanaanadda Caanka ah Fartuun Axmed Sahal ( Primo)
Masuuliyiintaan ayaa waxaa kaloo ay booqdeen Iskuulka Hoose Dhexe ee KPP ee Degmada Hodan halkaasi oo ay soo Kormeereen qaabka uu u shaqeeyo Iskuulka walow Maanta ay ahayd Maalin ay Fasax Ku Jireen Ardada wax ka barata Iskuulka hase ahaatee waxaa warbixin Laga dhagestay Macallimiinta wax ka dhigta Iskuulkaasi.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale waxa ay soo Kormeereen Xero weyn oo ay Ku leeyihiin Xaruntii Hore ee Nabad Sugida halkaasi oo ay dad barakacayaal ah uga dhiseen in kabadan 500 oo Guri islamarkaana ay ku quudiyaan Guryahaasi.























Comments are closed.