Mas’uul ka tirsan Maamulka Sh/hoose oo isku day dil ah ka bad baaday

maalik_som October 10, 2012 Comments Off

Afgooye: (Sh.M.Network)— Kooxo hubaysan ayaa xalay weerar ku qaaday Mas’uul ka tirsan Maamulka gobolka Sh/hoose ee Dowladda Soomaaliya. 

Sida Idaacadda Shabelle ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka ah, Kooxo hubaysan ayaa xalay weerar ku qaaday Guri uu degmada Afgooye ka deganyahay Guddoomiye ku xiggeenka dhinaca arrimaha bulshada ee Maamulka gobolka Sh/hoose ee Dowladda Soomaaliya Max’ud Cilmi Carabeey. 

Kooxihii weerarka ku qaaday Guddoomiye ku xiggeenka ayaa iska caabin xooggan kala kulmay Ciidamada ilaalada u ah Guddoomiye ku xiggeenka  dhinaca arrimaha bulshada ee Maamulka gobolka Sh/hoose, iyadoo dagaalka dhexmaray dhinacyadaasi la sheegay in uu ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan la ogeyn halka uu la egyahay. 

Weerarka kaddib ayaa waxaa qadka Taleefonka kula xiriirnay Guddoomiye ku xiggeenka weerarka lagu qaaday  ee Max’ud Cilmi Carabeey kaasi oo sheegay inay soo weerareen Kooxo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, waxaana uu tilmaamay inuusan jirin qasaaro dhinacoodu soo gaaray. 

Ciidamada Dowladda ayaa waxa ay sameeyeen howlgallo ballaaran oo lagu baadi goobayo kooxaha weerarka soo qaaday, wallow weerarkaani uu qeyb ka yahay kuwa inta badan ka dhaca deegaannada iyo degmooyinka ka tirsan gobolka Sh/hoose oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Comments are closed.

Facebook

Twitter