Masar iyo Soomaaliya oo heshiish iskaashi ah gaaray

maalik_som October 22, 2012 Comments Off

Qaahira-(Sh.M.Network)—Waziirka Beeraha ee dowladda Masar  dr Salaax Cabdul Mu’min oo kulan la qaatay Safiirka Somaaliya ee dalkaasi ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo la xiriira xiriirka iskaashi oo dhanka dalaga ah ee dhexmara dowladaha Soomaaliya iyo Masar.

Dr Salaax Cabdul Mu’min oo kadib kulanka warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in dowladda Masar  marka laga soo tago isdhaafsiga dalaga hadana ay usameynayaan Soomaaliya tababaro la xiriira dalag beereedka iyo Caafimaadka xoolaha la dhaqdo.

Waziirka beeraha ee dowladda Masar ayaa intaasi ku daray in qunsulka Soomaaliya ee dalkaasi ay ka wada hadleen sidii Masar loogu soo dhoofin lahaa xoolaha la dhaqdo sida geela iyo dalag beereedyada kale ee Soomaaliya ay caanka ku tahay qaab wax kala iibsi ah.

 

Comments are closed.

Facebook

Twitter