Madrid: (Sh.M.Network) Sarakiil ka tirsan dowladda Spain ayaa sheegay in mid ka mid ah marakiibta dagaalka ee dalka Spain uu kusoo wajahan yahay Xeebaha dalka Soomaaliya kaasi oo qeyb ka noqonaya Maraakiibta Atlanta ee la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee caqabadda ku noqday ammaanka Maraakiibta Caalamka.
Sarakiisha ayaa tibaaxay in Markabkaani oo lagu magacaabo Aynofoor uu hadda kusoo wajahan yahay Xeebaha Soomaaliya, isagoo bilaabayo wajibaadkiisa ku addan sugidda ammanka Xeebaha dalka Soomaaliya iyo Badweynta India.
Dowladda Spain ayaa xustay in Xeebaha dalka Soomaaliya ay horey uga joogeen marakiib kuwa dagaalka kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka Atlanta ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida.
Ciidamada howlgalka Atlanta ayaa horey u sheegay in ay yareyeen weeraradii ay ku qadayeen kooxaha burcad badeedu marakiibta ganacsiga ee mara Xeebaha Soomaaliya iyo Badweynta India.























Comments are closed.