Washington: (Sh.M.Network) — Xukuumaadda Washington ayaa soo dhaweysay Magacaabista Ra’iisal wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.
Afhayeen u hadashay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Mareykanaka ay si weyn ula dhacsan tahay qaabka ay ku socdaan howlaha isbedalka ee dalka Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in barlamanka ay ka rajeyneyso in ay ansixiyaan Ra’iisal wasaarahaasi.
Dhinaca kale Wasaaradda ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto taageeradeeda Soomaaliya, iyadoo ay intaasi ku dartay in ay gacan weyn ay ka geysan doonto howlaha dib u dhiska dalka.
R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa soo magaaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud, iyadoo laga wardhowrayo in barlamanka ay ansixiyaan Mudanahaasi.




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.