Maraykanka oo soo bandhigay Meydadka Muwaadiniin Somali ah

maalik_som October 4, 2012 Comments Off

New York (Sh.M.Network) — Saraakiil ka tirsan Ciidamada Sirdoonka ee dalka Maraykanka ayaa soo bandhigay Meydadka Muwaadiniin isugu jira Soomaali iyo Maraykan oo ay sheegeen inay ka bar bar dagaalamayeen Ururka Al Shabaab kuwaasi oo lagu dilay gudaha dalka Soomaaliya. 

Saraakiisha ayaa sheegay in Ciidamada Sirdoonka dalka Maraykanka ah ay in muddo ah isha ku hayeen dhaq dhaqaaqa ay sameynayaan Muwaadiniinta Soomaalida ah iyo kuwa Maraykanka ah ee u socdaalaya gudaha Soomaaliya, hase ahaatee Saraakiisha ayaa sheegay inaysan ka warqabin ciddii ka dambeysay dilka labo Soomaali Maraykanka ah oo Meydkooda laga helay Gobolka Minneapolis ee dalka Maraykanka. 

Maraykanka ayaa sheegay in 2007-dii illaa 2008-dii ay dalka Soomaaliya usocdaaleen inka badan 20-Muwaadin oo isugu jira Soomaali iyo Maraykan kuwaasi oo ka bar bar dagaalamayay Al Shabaab. 

Dhinaca kale Saraakiisha Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay inay jiraan 20-Muwaadin oo Soomaali Maraykanka ah, islamarkaana loo heysto in Shabaabku ay ku taageereen lacago iyo qibrado dagaal kuwaasi oo lagu hayo gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Ugu dambeyn Dadka gacanta lagu hayo ayaa waxa ka mid ah nin Magaciisa lagu soo gaabiyay Cumar oo  46-jir ah, Axmed Shafiiq iyo kuwa kale oo ay ku socdaan baaritaanno la xiriira doorkii ay ku lahaayeen lacago loo diray Al Shabaab iyo inay dhiiro gallin ku hayaan Soomaalida kale ee ku sugan halkaasi si ay ula dagaalamaan Dowladda  Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter