Maraykanka oo sheegay in Al Shabaab looga guuleystay dagaalada

maalik_som September 30, 2012 Comments Off

New York: (Sh.M.Network)  Kaaliyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ee Umuuraha Afrika Joni Carson oo la hadlayay VOA ayaa sheegay in Al Shabaab looga guuleystay dagaaladii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Koofurta Soomaaliya. 

Joni Carson ayaa xusay in dagaalka lagula jiro Xarakada Al Shabaab ee Xariirka la leh Al Qacaacidda uu sii socon doono, madaama aan guud ahaan Kooxdaasi laga guuleysan sida uu hadalka u dhigay. 

“Wali si buuxda loogama guuleysan Al Shabaab, Marka waxaan fileynaa in howgallada ka dhanka ah AMISOM iyo dowladda ay si joogta ah u sii wadi doonaan” sidaasi waxaa sheegay  Kaaliyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ee Umuuraha Afrika Joni Carson. 

Joni Carson ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageeraan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud si ay dowladdiisu ugu guuleysatay dib u soo celinta ammaanka iyo kala dambeynta dalku uu lahaa. 

Afhayeen u hadlay Xarakada Al Shabaab shalay ayaa sheegay in Ciidamadoodii ku sugnaa Magaalada Kismaayo ay isaga baxeen xeelad Milatari awgeed, hase ahaatee waxaa jira Cudud Milatari oo is kaashanaya kuwaasi oo la timaayo in Al Shabaab ay ku qasbeen in ay ka baxaan Magaaladaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter