Nairobi: (Sh. M. Network Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee ku sugan qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM oo la hadlayay Taleefashin iyo Radio Askartu leedahay ayaa waxa uu ka warbixiyay doorka Maraykanku uu ka qaatay dagaalka ka soconaya Soomaaliya ee lagula jiro Xarakada Al Shabaab.
Janaraal Carter Ham ayaa waxa uu sheegay in ahmiyadooda ugu weyn ee ay qaraadda u joogaan ay tahay la dagalanka Argagixisada, waxaaana uu hoosta ka xariiqay in Maraykanku uu taageero toos ah ku siiyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM dagaalka lagula jiro Xarakada Al Shabaab oo laga qabsadan deegaanno iyo degmooyin badan.
Taliyaha Ciidamada AFRICOM waxa uu tilmaamay in dowladda Maraykanku ay dowr muhiim ah ka qaadatay Tabaridda iyo qalabeynta ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, taasina miradhalkeeda hadda la dareemi karo.
“Dhab ahaantii Awoodda Al Shaabaab oo ah dagaalyahanno xiriir la leh Al Qaacidda islamarkaana ka dagaalama Soomaaliya waa daciifiyay, wax badanna masii heynsan doonaan dhulka yar ee hadda gacanta ku hayaan” sidaasina waxa yiri Taliyahaasi.
Ugu dambeyn Janaraal Carter Ham waxa uu qiray in ay wiiqantay Awoodda Al Shabaab, waxaana uu xusay in ay jiraan kooxo kale oo Al Shabaab la mid ah oo ku soo badanaya qaaradda afrika kuwaasi oo u baahan dagaal la mid ah midka Shabaab lala galay.
























Comments are closed.