Washington: (Sh. M. Network) Aqalka cad ee dalka Maraykanka ayaa mar kale ka digay in hub sharci darro ah la galiyo dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, taasi oo la sheegay in haddii ay dhacdo ay sii murjineyso hanaanka Dowladnimo ee la doonayo in laga yagleelo Soomaaliya.
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in si cad loogu xad gudbay cunna-qabteyno dhinaca hubka ah oo saarnaa dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Eretria, Ethiopia, Sudan, Soomaaliya iyo kuwa kale oo dhaca qaaradda Eeshiya.
Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Beesha Caalamka ay dhib badan kasoo martay xal u helidda dhibaatada gaamurtay ee ka jirta dalka Soomaaliya, hase ahaatee hadda la gaaray xilligii la heli lahaa Dowladnimo qaran oo la wareegta ammaankii iyo kala dambeyntii dalka Soomaaliya.
“ Waxa ayaan darro ah in la burburiyo qorshihii la doonayay in lagu soo afjaro colaadda Soomaaliya,loogana hortago dhiiggii ku daadanayay Soomaaliya, lana jabiyo xayiraaddii dhinaca hubka ah ee saarneyd” sidaasi waxa waxaa yiri Afhayeenka Aqalka cad ee dalka Maraykanka oo la hadlayay Warbaahinta























Comments are closed.