Garoowe ( Sh.M.NetworkMark)Xilli Muddooyinkii dambe ay sii Yaraanayeen Afduubka Maraakiibta Shisheeye ee Isticmaala Biyaha Soomaaliya ay U geestaan Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ayaa haatan waxaa qaybo Ka mid ah Biyaha Deegaanada Maamulka Puntland Lagu arkayaa Maraakiib dagaal oo howl Gallo ka wada halkaasi .
Ciidamo Ka tirsan Ciidamada badda ee Maamulka Puntland ayaa dhankooda iyana Billaabay Howl gallo ay ku xaqiijinayaan ammaanka Biyaha Puntland.
Howl galladaani isdaba Socda ee Ciidamada Badda Puntland iyo Maraakiibta Shisheeye Kawadaan Biyaha Deegaanada Maamulka Puntland ayaa yimid Xilli la sheegay in Gabi ahaan Biyaha Maamulkaasi Puntland Laga waayay Kooxihii Burcad badeeda.
Ciidamada Puntland ayaa Maalmihii dambe sii Xoojinayay Howl Gallada ay Ku baadi Goobayaan Meelaha Loogu Farmuuqo in ay Ku suganyihiin Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida iyagoo in badanna Ku guuleystay In ay Gacanta Ku soo dhigeen Kooxa ka tirsan Burcad badeeda ama ay Fashilayaan weeraro ay damacsanaayeen.
Sikastaba dhawaan Howl gallo Ciidamada Puntland ay Ku qaadeen Deegaanno Ka tirsan Gobolka Mudug waxa ay Ku soo Furteen 22 shaqaale oo u kala dhashay illaa 5 dal oo ah Kuwa Ku yaalla Qaaradda Asia islamarkaana lagu soo bandhigay Magaalada Garoowe taasina ay sheegeen in ay qayb ka tahay Baacsiga iyo dagaalka Puntland ay Kula Jirto Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida























Comments are closed.