Maraakiib duqeymo la dhacay Dekadda Kismaayo

maalik_som September 1, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh. M. Network)  Maraakiib dagaal ayaa caawa waxa ay duqeymo la dhaceen gudaha Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa halkaasi ay duqeymo la dhaceen Maraakiib dagaal oo ku sugan Xeebaha Magaaladaasi.

Maraakiibta ayaa la sheegay in illaa dhowr Madaafiic ay ku dhufteen Dekadda Magaalada Kismaayo, iyadoo dad ku sugan gudaha dekadda ay sheegeen in duqeyntu ay aheyd mid culus.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in sidoo kale Maraakiibtaasi Caawa duqeymo ay la dhaceen Xarumo AL Shabaab ay ku leeyihiin gudaha Magaaladaasi, inkastoo wali aan la caddeyn halka laga leeyahay Maraakiibtaasi.

Dad ku sugan gudaha Magaalada ayaa cabsi soo wajahay maadaama ay maqleen Madaafiic ku dhacaysa Xeebaha Magaaladaasi.

Maanta ayaa Saldhigga Magaalada Kismaayo waxa lagu soo bandhigay Meydadka askar la sheegay inay ka kala tirsanayeen Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda, iyadoo illaa iyo iminka aan jirin wax war ah oo kasoo baxay Dowladda oo ku aaddan Meydadkaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter