Maraakiib dagaal oo soo buuxdhaafiyay Dekadda Kismaayo

maalik_som September 17, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh. M. Network) Hoggaamiyeyaashii ugu sareeyay Al Shabaab iyo ajaaniibtii ku sugneyd Magaalada Kismaayo ayaa isaga baxay Magaaladaasi. 

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho in Ciidamo ka tirsan Al Shabaab iyo ajaaniibtooda ay isaga baxeen gudaha Magaaladaasi islamarkaana Magaalada ay ku sugan yihiin Ciidamo tiro yar oo ka tirsan Al Shabaab.

Guddoomiyihii Al Shabaab ee gobolada Jubbooyinka Sheekh Xasan Yacquub iyo Saraakiil kale oo Ajaaniib ah ayaa isaga baxay Magaalada, waxaana gudaha Kismaayo xalay ilaa saakay isaga baxayay inta badan Gawaaridii dagaal oo ay lahaayeen Ururka AL Shabaab. 

Dhinaca kale Maraakiib dagaal ayaa soo buuxdhaafiyay Dekadda Magaalada Kismaayo, iyadoo maanta uu hakad ku jiro isu socodka ganacsiga ee dekadda, waxaana dadka deegaanka ah ay sheegeen in Maraakiibtaasi lagala leeyahay dalka Maraykanka. 

Lama oga sida ay noqon doonto Magaalada Kismaayo, maadaama duleedka ay ka socdaan dagaalo xooggan, Maraakiib dagaalna ay soo buuxdhaafiyeen Xeebaha Dekadda Magaaladaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter