Kismaayo: (Sh.M.Network) Maraakiib dagaal ayaa maanta mar kale duqeeyay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta mar kale ay ku dhaceen duqeymo xooggan oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dad deegaanka ayaa sheegay in Maraakiib ku sugan Xeebta Kismaayo ay dueymo la dhaceen Magaalada, iyadoo duqeymahaasi ay ku dhinteen labo ruux halka 3-kalena ay ku dhaawacmeen.
“ Duqeymaha dhinaca badda ayay ka imaanayaan, xaaladda way kacsan tahay, Magaalada cabsi ayaa jirta” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.
Xalay ayay aheyd markii Diyaarado dagaal ay duqeymo xooggan la dhaceen gudaha Magaalada Kismaayo, halkaasi oo la sheegay inay wax kasoo gaareen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.























Comments are closed.