Kismaayo (Sh.M.Network)— Goobjoogayaal ku sugan Magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa shabelle u sheegey in saaka maleeshiyada Raaskanbooni ay xayirtey dhaqdhaqaaqii guud ee Dekada Magaalada Kismaayo sababo lagu sheegey wafdi caalami ah oo lagu wado maanta iney gaaraan Magaalada Kismaayo.
Saaka Maleeshiyaadka Raaskanbooni oo ay horkacayaan saraakiil ayaa gaarey Dekada kismaayo kuwaasi oo ku amrey gaadiidka sidey dhuxusha iyo kuwa kale ee xamuulka ah in banaanka looga saaro Dekada isla markaana la hakiyo dhaqdhaqaaqa Dekada sababo ay ku sheegeen wafdi soo gaaraya Magaalada Kismaayo.
Inakstoo wafdiga uusan ilaa iyo hada uusan gaarin Magaalada kismaayo hadana waxaa magaalada gudaheeda lagu arkayaa maleeshiyaad ka tirsan raaskanbooni oo raxanraxan u socda isla markaana gaaf wareegaya wadooyinka magalaada Kismaayo sababo ay ku sheegeyn iney ku xaqiijinayaan amaanka.























Comments are closed.