Maleeshiyada Raas Kaambooni oo Kolonyo Ciidamada dowladda ah ku rasaaseeyay Kismaayo

maalik_som February 1, 2013 Comments Off

Kismaayo ( Sh.M.Network) Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee Ku sugan Kismaayo Islamarkaana ay saaraayeen dad Ciidamada dowladda ay soo Xir xireen oo isku Haystay dhul Ku yaalla Magaalada Kismaayo ay Rasaas ku Fureen Kooxo Ka tirsan Ururka Raas Kaambooni ee uu Hogaamiyo Axmed Madoobe.

Aadan Ibraahim Dheere oo Ka mid ah Taliyaasha Ciidamada dowladda ee Kismaayo oo Lahadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Gaariga ay wateen Ciidamada Islamarkaana ay Saraayeen dadka Maxaabiista ah ee Rasaasta ay Ku fureen Maleeshiyaadka Raas Kaambooni uu ku dhintay 1 Askari Tiro kale waa ay Ku dhaawacmeen sida uu sheegay Taliyaha.

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa ku sugan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya Kuwa Kenya iyo Maleeshiyada Raas Kaambooni waxaana dadka ku nool Magaaladaasi Beryihii dambe ay ka cabanayeen Ururka Raas Kaambooni kuwaasi oo ay sheegeen in ay dhibaatooyin kala duwan kala Kulmayeen  Maleeshiyaadkaasi.

 

 

Comments are closed.

Facebook

Twitter