Kismaayo: (Sh.M.Network) Maleeshiyaad hubaysan ayaa la sheegay inay la wareegeen Magaalada Kismaayo, iyadoo dhinaca kale Magaalada uu ka socdo dhac ay wadaan qaar ka mid ah dadka shacabka ah.
Sida ay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, Maleeshiyo hubaysan ayaa dhex wareegaya gudaha Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.
Maleeshiyaadka ayaa la sheegay inay yihiin kuwa hubaysan, waxaana ay la wareegeen Xaafado dhowr ah oo ku yaalla gudaha Magaaladaasi sida ay sheegayaan dadka deegaanka ah.
“Maleeshiyaad badan ayaa wareegaya gudaha Magaalada, Xaafado badan ayay joogaan oo ay la wareegeen, cabsi badan ayaa jirta” sidaasi waxaan kasoo xiganay qof ka mid ah dadka deegaanka ah.
Dhinaca kale gudaha Magaalada Kismaayo ayaa wali waxa ka socda dhac baahsan oo ay gaysanayaan shacab ku nool halkaasi, iyagoo ku buxay Xafiisyadii Al Shabaab oo ay shanta sano ka Maamulayeen gudaha Magaaladaasi.
“Dadka dhinac ayay boob ka wadaan, bililiqo ayaa socota, Xaafadaha qaar waa laga barakacay, waayo dhacii ayaa ku batay, Magaalada Maleeshiyo ayaa joogta, Guryaha ayaa la isugu galayaa oo waliba waa la is dhacayaa” sidaasi waxaa noo sheegay dadka deegaanka ah.
Tan iyo markii Al Shabaab ay ka baxeen Magaalada Kismaayo Ururka Al Shabaab waxaa lagu dilay 9-ruux oo ay ku jiraan Odayaal iyo waxgarad ku dhaqan halkaasi, waxaana la ogeyn go’aanka ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ay ka qaadanayaan arrintaasi.



















Comments are closed.