Dumay: (Sh.M.Network) Maleeshiyaad ayaa la sheegayaa in dagaal qasaaro gaystay uu ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya deegaan lagu magacaabo Dumay oo hoostaga Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay xalay dagaal beeleedyo u dhaxeeya labo Maleeshiyo.
Dad deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in xalay ay maqlayeen rasaas ay isku adeegsanayeen Maleeshiyaad ku sugan deegaanka Dumay, waxaana la tilmaamay in dagaalka uu ka horeeyay xiisado u dhaxeeya Maleeshiyaadkaasi.
Khasaaro ayaa lagu soo waramayaa inay kala gaareen dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay, inkastoo xaaladda deegaanka Dumay oo uu dagaalka ka dhacay ay degan tahay.
Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ayaa gaaray halkaasi waxaana ay kala dhexgaleen Maleeshiyaadka halkaasi ku dagaalamay.
Wixii kusoo kordha kala soco Shabelle.net haddii Alle Idmo.























Comments are closed.