Muqdisho: (Sh.M.Network)—Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in uu Al Shabaab iyo burcad badeeda Soomaalida uu ka ciribtiryo guud ahaan gayiga Soomaaliya.
Isagoo ka hor hadlayay fadhi ay maanta barlamanka ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud uu ka sheegay inuu wax badan ka qabanayo xaaladda dalka Soomaaliya, maadaama dalka uu yeeshay hoggaan cusub.
Mudane Xasan Sheekh Max’ud ayaa waxa uu sheegay in Dowladdiisa ay bilaawday inay gunnooyin siiso Ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya, isagoo ballan qaaday inay wiiqayaan awoodda Xarakada Al Shabaab iyo Kooxaha burcad badeeda Soomaalida sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay Safaradii uu ku kala bixiyay gobolada dalka sida Hiiraan iyo Baydhabo oo uu sheegay in uu kullamo kula soo yeeshay Maamulada ka jira halkaasi iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan, si wax looga qabto ammaanka iyo xaaladaha bini’aadannimo.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Safarkii uu ku tagay Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda uu kula soo kulmay Madaxweynayaal oo uu kala soo hadlay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka Soomaaliya, maadaama dalka iminka uu yeeshay Dowlad buuxda.























Comments are closed.