Madaxweyne Xasan: Waa la dar dar galinayaa la dagaanka Al Shabaab

maalik_som October 18, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) — Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay sii socon doonaan howlgallada la dagaalanka Xarakada Al Shabaab. 

Xasan Sheeh Max’ud oo ka hor hadlayay Xildhibaanada barlamanka ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda ee howlgallada ka wada gobolada dalka ay guulo ka gaareen howlgalladooda, isagoo dhinaca kale sheegay inay sii dar dar gallinayaan howlgalladaasi illaa Al Shabaab laga saarayo dalka. 

Madaxweynaha ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in tan iyo markii uu la wareegay Xafiiska Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay la wareegeen deegaanno iyo degmooyin ay ku sugnaayeen Al Shabaab, islamarkaana ay booqasho ku tageen Saraakiil Ciidan iyo Xildhibaano ka tirsan barlamanka Soomaaliya. 

“ Mudadii koobneyd ee aan Xafiiska joogay, waxaa noo suurta gashay arrimahan soo socda: A) Sameynta miisaaniyaadda seddaxda bilood ee sanadka kadhimman, B)Xadididda kharash bixinta Dowladda, C)     U duwidda lacag bixinta xagga ciidanka iyo dib-u-xurreynta dalka 

“ Tillaabooyinkaas waxay keeneen in ciidamada la siiyo gunnadii iyo garaamkii oona sababtay sii socoshada dib-u-xoreynta dalka oo ay ciidamadu ku qabsadeen goobo cusub oo ka mid goballada sida Kismaayo, Wanlaweyn, Garoonka Balli-Doogle” sidaasi waxa yiri madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud. 

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Xukuumadda uu ilaalinayo go’aankeeda islamarkaana uu ka taxadarayo mar waliba khilaaf soo kala dhexgala, maadaama bini’aadamka aysan isku ra’I aheyn haddana ay wax waliba ka shaqeyn doonaan.

Comments are closed.

Facebook

Twitter