Muqdisho-(Sh.M.Network)—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof:Xasan Shiikh Max’uud ayaa maalmihii dambe waxaa kulan uu laqaadanayay qaar ka mid ah,Mudanayaasha Baarlamaanka, kuwaasi uu kala hadlayay arimo ku sabsan Waziirada Cusub ee Lasoo Magacaabayo sida uu idaacadda Shabelle uu uga warbixiyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaanadda uu latashiga kala sameeyay arimahaasi.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Madaxweynaha uu kala hadlayo qaybaha bulshada qaabka ugu haboon ee loogu qancin karo beelaha Soomaaliyeed xukuumadda uu soo dhisayo Ra’isal Wazaare Saacid.
Latashiyadaan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Max’uud uu laqaadanayo Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa waxa uu imaanayaa xilli Ra’isal Wazaare Saacid looga fadhiyo soo dhisidda Golahiisa Waziirada.























Comments are closed.