Madaxweyne xasan Shiikh oo dib uga soo laabtay Muqdisho

maalik_som December 8, 2012 Comments Off

Muqdisho(Sh.M.Network)—Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Max’uud oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib Safar uu ku tagay dalka Turkiga ayaa markii uu ka soo dagay Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxa uu Saxaafadda  ugga warbixiyay Kulamadii uu la soo qaatay Madaxda ugu sareysa dowladda Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Madaxda dowladda Turkiga ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka udhexeeya labada dowladood ee turkiga iyo Soomaaliya iyo sii xoojinta iskaashiga dhinaca ammaanka labada dhinac isagoona tilmaamay in ay kawada hadleen Mashaariicda dowladda Turkiga ay ka waddo Soomaaliya .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in arimihii ay kawada hadleen ay isku afgarteen Madaxda dowladda Turkiga hirgalintooda isagoo uga Mahadceliyay Turkiga howlaha ay ka wadaan Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa sidoo kale waxa uu kahadlay Qaraxii xalay ka dhacay masjid kuyaalla Magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafadda Islii ee Soomaalidu ay ku badantahay isagoona Cambaareeyay dadkii ka dambeeyay Qaraxaasi lagu weeraray masjidka kuyaalla gudaha waddankaasi Kenya

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale tacsi udiray Madaxda dowladda Kenya iyo ehelladii dadkooda ay wax ka soo gaareen Qaraxaasi isagoona tilmaamay in meel looga soo wada jeesto dadka wada falalka ka dhanka ah ammanka waddankaasi Keny

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dhawaan booqasho ku tagay dalka Turkiga kadib caasumaad uu kahelay Madaxda ugu sareysa dowladda Turkiga iyagoona halkaasi ku yeeshay kulamo looga hadlayo sii xoojinta xiriirka udhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga iyo sii wadida Mashaariicda Turkigu uu ka wado dalka

Comments are closed.

Facebook

Twitter