Madaxweyne Xasan Sheekh”Jidgooyo markale ma aqbali doonno”

maalik_som December 10, 2012 Comments Off

Muqdisho(Sh.M.Network)— Kadib kulan ballaaran oo ay ka qayb galeen madaxda sare ee dowladda Soomaaliya sida Madaxweynaha ,Ra’isal wasaraha ,iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka kana dhacay Madaxtooyada Villa Soomaaliya loogana hadlayay ammaanka guud ahaan dalka gaar ahaan Muqdisho ayaa Madaxweynaha qudbad uu halkaasi ka jeediyay waxa uu shaaca kaga qaaday in dowladda aaney aqbali doonin in markale jidgooyo lasoo dhigo deegaannada dowladda ay Maamusho.

Madaxweyanah ayaa dhanka kale sheegay in Ciidamadii laga qaaday jidgooyooyinkana loo sameyn doono Xero Ciidan oo lisugu geyn doono sida uu hadalka udhigay isagoo dhanka kale tilmaamay in dowladda aanu aqbali doonin hub lisaga dhex sito deegaanada dowladdu ka arimiso.

Madaxweyne Xasan ayaa amaan iyo bogaadin waxa uu ujeediyay Saraakiisha Ciidanka qalabka sida Maamulada degmooyinka iyo intii isku howshay fulinta awaamiirtii Madaxweynaha.

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib go’aano si rasmi ah uga soo baxay xafiskiisa ee lagu qaadayay Jidgooyooyinka,wax looga bedelayay Anshaxa iyo Asluubta Ciidamada iyo wax ka qabashada ammaanka guud ahaan deegaanada iyo Gobollada ay maamusho dowladda Federaalka Soomaaliya

Comments are closed.

Facebook

Twitter