London ( Sh.M.Network) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya Xasan Sheekh Max’ud oo ku sugan Magaalada London ee waddanka Briten ayaa fariin waxa uu u diray Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Ku nool wadamada Caalamka in ay dib ugu soo Laabtaan gudaha waddanka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya uu ka dhacay Isbedel Lataaban Karo Soomaalidana Looga Baahanyahay in ay dhistaan Dalkooda taasina ay keeni Karto in Soomaaliya ay Markale Cagaheeda Isku Taagto.
“ Lama Huraan Waa Cooska Jiilaal ee ha loosoo noqdo dalka” Sidaasi waxaa Yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud
Prof: Xasan Sheekh Max’ud ayaa Intaasi waxa uu ku daray in haddii dadka Sooamaliyeed ay u soo Jeestaan dib u dhiska dalkooda uu Caalamka uu ka taageeri Karo hase ahaatee waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dib ugu soo noqoneyso Rajadii Xasiloonida.























Comments are closed.