Muqdisho (Sh.M.Network) Keif Elison oo ah Mudane ka tirsan Golaha Sanadka dowladda Mareekanka oo manta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Seekh Max’ud.
Kulanka oo Saxaafaddu ay dibad Joog ka ahayd ayaa markii uu soo idlaaday kadib waxaa warbaahinta si wada jir ah ula hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud iyo Masuulkaasi ka tirsan Aqalka Koongareeska dowladda Mareekanka.
Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in Mudanahani uu yahay Masuulkii ugu Horeeyay ee ku soo dhaweeyay Magaalada Minneapolis ee dalka Mareekanka markii uu tagay,
Mr Keif Elison ayaa dhankiisa isna sheegay in uu ad ugu faraxsanyahay Imaanshiyihiisa Muqdisho,
Booqashada Mudanahani ka tirsan Baarlamaanka dowladda Mareekanka uu ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmeysa xilli dhawaan dowladda Mareekanka ay aqoonsi u fidisay dowladda federaalka Soomaaliya























Comments are closed.