Muqdisho (Sh.M.Network) Kulankani oo ahaa kulan qada sharaf ah oo madaxweynuhu usameeyay odayaasha dhaqanka ee soo xulay mudanayaasha Baarlamaanka ayaa waxaa uu ka dhacay gudaha xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaana halkaasi hadallo kala duwan ka jeediyay Masuuliyiin uu ku jiro madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Max’uud.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn odayaasha waxa uu uga mahad celiyay qaabka ay ugu soo dhabar adeegeen intii ay socotay soo dhisidda dowladdaan cusub ee uu Madaxweynaha kayahay isagoo sidoo kale intii lagu guda jiray kulanka kahadlay codsi odayaashu ay usoo gudbiyeen Madaxweynaha oo ku’aadanaa in sanadakaan dowladu ay xajka geyso odayaasha dhaqanka ee iyagu qaybta weyn kulahaa soo dhisidda dowladdaan cusub.
odayaasha ayaa halkaasi waxaa lagu gudoonsiiyay shahaado sharafyo iyadoo sidoo kalena loo ballan qaaday in dowladda ay gacan kusiineyso jidmarkooda maadama waqtigaan wixii kadambeeyo ay ulaabanayaan meeliohii ay kasoo kala kicitimeen.
intaas kadib aaya gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu odayaasha ku casuumay maalinta sabtida ah in ay kala soo qayb galaan fadhi baarlamaanku kuleeyahay xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.



















Comments are closed.