Madaxweyne Xasan Sheekh oo kusoo laabtay dalka+ Sawirro

maalik_som October 11, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) — Maanta ayaa Magaalada Muqdisho waxaa dib ugu soo laabtay Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh M ax’ud oo dalka ka maqnaa labadii cisho ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay guddoomiyaha barlamanka Jawaari, R/wasaare Saacid, Xildhibaano ka tirsan barlamanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo maanta isugu tagay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ku maqnaa Safar uu ku aaday dalka Uganda halkaasi oo uu kaga qeyb galay Munaasbad loogu dabaal dagayay maalinta ay xornimada qaateen Dowlada Uganda, iyadoo halkasi uu kullamo kula qaatay Madax kala duwan ee Caalami ah.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa dalka Uganda waxa uu kullamo kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaasi kuwaasi oo uu kula dar daarmay inay iloobaan sheyga qabyaaladda ah oo uu sheegay inay horseed u tahay burburka dalka Soomaaliya.

Halka ka Daawo Sawirrada

 

 

Comments are closed.

Facebook

Twitter