Brussels( Sh.M.NetworkMark) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud oo kulan kula qaatay Madaxda Midowga Yurub Magaalada Brussels ee dalka Belguimka ayaa isagoo u waramayay Idaacadda BBCda Laanteeda Afka Soomaaliga waxa uu sheegay in ay isku afgarteen dhinacyadii uu la kulmay ee Madaxda Midowga Yurub in dowladda ay gacan ku siiyaan dadaalada dib ay cagaheeda isugu taageyso.
Madaxweynaha ayaa Xusay in uu kala Hadlay Madaxda Midowga Yurub dhaqaalihii ay ku taakuleyn Jireen dalka Soomaaliya taas oo u sheegay in ay u sheegeen in haatan uu daba yaaqo marayo Xisaab Xirka oo waqti Dhow Bajadkooda ay u soo gudbin doonaan wax kale oo dheeraad ah oo dowladda ay Codsatana uu u gudbiyay.
Madaxweyanaha ayaa dhanka kale waxa uu faah faahin ka bixiyay Kulan uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddankaasi Belguimka kuwaas oo uu tilmaamay in uu kala hadlay sidii ay u taageeri lahaayeen dib u dhiska dalka iyagoo u ballan qaaday in ay taageero wacan siin doonaan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sikastaba Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muddooyinkii dambe isku Howleysay Soo nooleynta Xiriirka Caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya kala dhexeeyo Caalamka intiisa Kale























Comments are closed.