Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhigiisa Turkiga kala hadlay tayeenta Ciidanka Soomaaliya

maalik_som December 8, 2012 Comments Off

Muqdisho (Sh.M.Network)—Madaxweynaha Soomaaliya Prof:Xasan Sheekh Max’ud iyo Madaxweynaha Dowladda Turkiga Cabdalla Gul oo kulan ku qatay Magaalada Istanbul ee dalkaasi ayaa kala saxiixday heshiis dhanka ammaanka ah iyo sidii labada dowladood ay isaga klaashan lahaayeen sidii lacago loogu uruurin lahaa Ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale heshiiska Labada Madaxweyne ay kala saxiixdeen waxaa ka mid ah sidii loo tayeen lahaa tababarana loogu furi lahaa loona qalabeyn lahaa Ciidanka dowladda Soomaaliya si ay gacanta ugu dhigaan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Safiirka dowladda Soomaaliya ufadhiya dalka Turkiga Max’ed Mursal Sheekh oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay heshiiska labada Madaxweyne isagoona sheegay in labada Masuul ay kala saxiixdeen sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen qaybaha ammaanka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Ciidamada dowladda Soomaaliya

Dhawaan ayeey ahayd Markii Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi u hogaaminayo ay gaaren dalka turkiga kuwaasi oo kulamo laqaatay Masuuliyiinta dalka Turkiga kana hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga

Comments are closed.

Facebook

Twitter