Madaxweyne Xasan Sheekh, Muxuu kala hadlay Jaaliyadda Kampala

maalik_som October 10, 2012 Comments Off

Kampala: (Sh.M.Network)—Kullanka waxaa ka soo qeyb galay qaybaha kala duwan ee bulshada sida Haweenka, Culumaa’uddiinka, Ganacsatada iyo Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka dhigata Jaamacadaha iyo Iskuulada ku yaalla Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda. 

Sidoo kale kullanka ayaa waxa ka hadlay Mas’uuliyiin Mataleysay Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Uganda iyo Safaaradda Soomaalida ee Uganda, waxaana dadkii ka hadlay dhamaantooda ay tallooyin usoo jeediyeen Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud kuwaasi oo ku aaddan sidii wax looga qaban lahaa Xaaladaha Soomaaliya iyo waliba ka hortagga musuq masuq waliba oo jira. 

Madaxweynaha Dowladda oo halkaasi qudbad ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay inay muhiim tahay in Jaaliyadaha Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan horumarka dalka, isagoo ugu baaqay inay ka fogaadan qabiilka iyo koox kooxeysiga oo ay ka shaqeeyaan Dowlad wanaagga.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka midnimada, wuxuuna carabka ku dhuftay in xiligaani aysan habooneyn qabyaaladda. Maadaama loo gudbay dowlad dhameystiran, loona baahan yahay inay bar bar istaagaan.

Kualanka waxaa uu ka dhacay Magaalada Kampala Uganda, gaar ahaan Hotel-ka African waxaana Tirada dadkii kasoo qaybgalay ay gaarayaan in ka badan 1000 qof oo ku nool Magaalada Kampala ee Dalka Uganda.

Waa markii ugu horeysay oo uu Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya uu kullamo la qaataop Jaaliyadaha Soomaliyeed ee ku dhaqan dalka dibaddiisa tan iyo markii lasoo doortay.

Wariye Sakariye Axmed Muuse
 
Radio Shabelle,  Kampala, Uganda
 
 

Comments are closed.

Facebook

Twitter