Ankara (Sh.M.Network)— Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu kulamo la qaatey Dhigiisa Dalka Turkiga Cabdalla Guul iyagoona ka wada Hadley arimo quseeya Xalada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadley kulanka uu la qaatey Madaxweynaha Turkiga ayaa waxa uu ka codsadey in Dowladda Turkiga ay kala shaqeeso Xukuumada Soomaaliya Dib u dhiska Dalka Soomaaliya isagoona sheegey in muhiim ay tahay in al siia dkeeyo xiriirka ka dhaxeeya labada dal.
Madaxweynaha Turkiga oo isna dhankiisa Hadley ayaa waxa uu u mahad celiyey Madaxweynaha iyo Wafdigiisa isagoona tilmaamey in dowladda turkiga ay ka shaqeeneyso Sidii nabad waarta looga hirgalin lahaa guud ahaan Dalka Soomaaliya .
Shalay ayey aheyd markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi balaaran uu hogaaminayo ay u ambaxaneyn Dalkaasi turkiga asigoo casuumaad ka heley Mas’uuliyiinka Dalka turkiga oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Dalkaasi.























Comments are closed.