Muqdisho (Sh.M.Network)—Madaxweynaha iyo wafdi uu hogoominayo oo maalmihii ugu dambeeyay Safar ugu Maqnaa dalka Qadar ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalda Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray Garoonka Aadan Cadde Air-Port ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay Masuuliyiin kala duwan oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari.
Imaanshiyaha Wafdigaasi kadib ayaa waxaa warbaahinta lahadashay Ra’isal Wasaare Ku Xigeen Ahna Wasiiradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo iyadu ka mid ahayd Wafdiga Madaxweynaha uu hogaaminayay ee tagay dalka Qadar iyadoo ka warbixisay Safarka ay ku gaareen Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar iyo weliba kulamadii ay la qaateen iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in ay dowladda qadar ka heleen ballan qaadyo badan oo ku aadan sidii ay u garan istaagi lahayd dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud iyo Wafdi Ballaaran oo uu hogaaminayo ay u’amba bexeen dalka qadar halkaasi oo ay kula soo kulmeen Madaxda dalkaasi oo ay isla meel dhigeen arrimo badan oo ay ka mid tahay taageero dhaqaalo oo dowladda Qadar ay u fidiso Dowladda ugubka ah ee Soomaaliya.























Comments are closed.