Madaxweyne Xasan Sheekh: Caalamka ha gacan qabtaan Soomaaliya

maalik_som March 6, 2013 Comments Off

Doxa (Sh.M.Network)—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheelh Max’ud oo ka qayb galayay Barnaamij uu qabtay Tvga AL Jazeera ee fadhigiisu yahay Magaalada Doxa ee Caasimadda dalka qadar ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed iminka ay u soo jeesteen waxqabad dhab ah hase ahaatee ay u baahanyihiin in lagarab qabto.

Madaxweyanaha ayaa sheegay in kadib marxalado kala duwan  oo uu soo maray dalka haatan shacabka ay go’aansadeen in ay hormariyaan dalkooda isagoo ku booriyay beesha caalamka in ay ka qaataan kaalin wacan dadaalada dib loogu soo celinayo Nabad gelyada iyo Horumarka waddanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in iminka Soomaalidu ay abuurteen fursad wanaagsan oo loo baahanyahay in looga faa’iideeyo sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa ay ku suganyihiin Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka qadar.

Comments are closed.

Facebook

Twitter