Muqdisho: (Sh. M. Network) Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu cagta la galay Siyaasad cusub oo u baahan in lagu garab istaago.
Prof. Xasan Sheekh Max’ud, Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo ka hadlayay Xaflad lagu caleemo saarayay ayaa waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay mid cagaha lasii galaya jawi ka badalan kii hore, isagoo xusay in loo baahan yahay wada shaqeyn.
“ Waxaan doonayaa in maanta halkaan aan idin kaga sheego, in dalkeena uu galay siyaasad cusub, waxaana hoggaamin doonaa Siyaasad cusub oo tiirar badan leh, waxaana tiirarkaa ugu horeeya ee aan wax ka qaban doono uu yahay ammaanka” sidaasi waxa yiri Mudane Xasan Sheekh Max’ud.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in Dowladda ay diyaarisay dhowr nidaam, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay garab istaagaan Dowladda cusub, si looga baxo dhibaatooyinka hadda uu marayo dalka.
Beesha Caalamka ayaa isha ku haysa is badalka ka dhacay Soomaaliya, waxaana Dowladda cusub looga baahan yahay ugu horeyn inay wax badan ka qabato ammaanka.























Comments are closed.