Muqdisho: (Sh.M.Network)—Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba baxay Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda halkaasi oo la fillayo in uu kaga qeyb galo maalinta loogu dabaal dagayo Xoryadda dalkaasi.
Hadal kooban oo uu Madaxweynuhu kusiiyay Warfdiyeennada gudaha Eleboorka ee Magaalada Muqdisho ka hor intii aanu ka duulin Garoonka ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay u jeedka safarkiisa, isagoo xusay in markii uu ka qeyb galo Munaasabadda kaddib uu la kulmi doono Madaxweynaha Dowladda Masar, Madaxweynaha Dowladda Kenya, Wasiirka ku xiggeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga iyo Diblumiyaasiin heer Caalami ah.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa ku wehliyay Guddoomiyaha barlamanka Soomaaliya Prof. Jawaari iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Safarkaani oo uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud uu ugu amba baxay dalka dibaddiisa ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeeyay tan iyo markii uu ku guuleystay qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRADA MADAXWEYNAHA



























Comments are closed.