Madaxweyne Xasan iyo Hailamariam oo ka hadlay Somaliya

maalik_som September 17, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Kaddib markii shalay Magalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya uu soo gaaray Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Hailamariam ayaa Xafladda Caleemo saarka kaddib waxaa uu kullan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud kaasi oo looga hadlay sii xoojinta xiriirka labada dowladooda ka dhaxeeya.

Safiirka Dowladda Ethiopia u fadhiya dalka Soomaaliya C/casiis Axmed Aadan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen sidii ay Ciidamada Ethiopia ee  ku sugan gobolada dalka ay usiii wadi lahaayeen howlgallada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab iyo Al-qaacidda.

Sidoo kale Safiirka aya waxa uu sheegay in Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya uu uga mahadceliyay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia sida geesinimada ku dheehan tahay ee isaga oo maalmo qura haya Tallada dalka Ethiopia uu kusoo booqday Muqdisho, taasi oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku tilmaamay wax aad u wanaagsan.

Shalay ayay aheyd markii Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Hailamariam ay soo booqdeen dalka Soomaaliya kuwaasi oo ka qeyb galay Xaflad lagu caleemo saarayay Madaxweynaha Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter