Madaxweyne Xasan iyo Guddoomiye Jawaari oo gaaray Baydhabo

maalik_som October 1, 2012 Comments Off

Baydhabo: (Sh.M.Network) Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha barlamanka  iyo tiro Xildhibaano ah oo maanta ka amba baxay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay. 

Prof. Xasan Sheekh Max’ud, Madaxeynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha barlamanka Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Xildhibaano ka tirsan barlamanka ayaa diyaaraddii siday waxa ay ka degatay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo halkaasi oo ay buuxdhaafiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya. 

Ammaanka Magaalada Baydhabo iyo daafaheeda ayaa si aad ah loo xaqiijiyay, waxaana la sheegay in Ciidamada ay il gooni ah ku hayaan dadka shacabka ah ee dhaq dhaqaaqa ka sameynaya gudaha Magaaladaasi. 

Kollonyo gadiid ah oo ay la socdeen Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda ayaa kasoo qaaday Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigii uu hoggaaminayay, waxaana la gaarsiiyay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo halkaasi oo uu ku qaatay kullamo looga hadlayay ammanka. 

Safarka ayaa waxa la sheegay in uu yahay mid Madaxda Dowladda ay ku gaarayaan qaar ka mid ah gobolada dalka gaar ahaan Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiran oo ay ka dhaceen fatahaado. 

Waa Safarkii ugu horeeyay oo ay Madaxeynaha Dowladda iyo Guddoomiyaha barlamanka ay ku gaareen gobol ka mid ah Soomaaliya tan iyo markii ay ku kala guuleysteen xilalka ay hadda u hayaan Dowladda Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter