Madaxweyne Xasan: Beesha Caalamka hala timaado is badal cusub

maalik_som September 20, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Wafdi ka socda Midowga Yurub ayaa maanta kullan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku sheegeen in loo baahan yahay in la badali Siyaasadda iminka ka jirta Soomaaliya. 

 Kullanka oo kadhacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud uu kula qaatay Safiirada Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya kuwaasi oo soo gaaray Magaalada Muqdisho. 

Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya iyo Safiirada Midowga Yurub ayaa kullankooda waxa ay diiradda ku saareen arrimo la xiriira isbadal rasmi ah oo ku qotoma dhinacyada Siyaasadda iyo ammaanka oo ka hergala dalka Soomaaliya. 

Intii kulanka uu socday ayaa waxaa Madaxweynaha iyo Safiirada ay isku dhaafsadeen afkaar ku aaddan sidii taageerada Beesha Caalamka ay u siiso dowladda loogu saleen lahaa Hay’adaha Dowliga ah, iyadoo sidoo kale Madaxweynaha Dowladda uu ka sheegay kullanka in uu la imaan doono istaraatiijiyad cusub oo la xiriirta la dagaalanka Xarakada Al Shabaab. 

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Suldaan Axmed Faarax oo warbaahinta faah faahin ka siinayay kullanka ayaa sheegay in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud uu caddeeyay in dowladdiisa ay horseedi doonto isbadal cusub oo ka hergala Soomaaliya, sidaasi si la mid ahna uu ka codsaday Beesha Caalamka in ay la yimaadaan isbadal siyaasadeed oo ay ku wajahayaan Soomaaliya. 

Suldaan Axmed Faarax ayaa intaasi ku daray in Safiiradii ka socday wadamada Midowga Yurub ay u balan qaadeen Madaxweynaha in dowladdiisa ay ku gacan siin doonaan dib u dhiska dalka iyo ciidamada si loo xaqiijiyo hergallinta Isbadalka Siyaasadda iyo midda amni ee dalka Soomaaliya. 

Madaxwaynaha dowladda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud waxa uu Maamuli doonaa dalka muddo afarsano ah, waxaana dowladdiisa looga fadhiyaa in  waddanka ay ka dhaliso isbadallo siyaasadeed iyo mid amni kuwaasi oo suura gal ka dhigi karta in gabi ahaanba dalka ay ka dhacaan doorashooyin xor ah oo shacbku ay codeenayaan sida la qorsheeyay.

Comments are closed.

Facebook

Twitter