Madaxweyne Xasan: Beej cusub ayaa u furmay Somaliya

maalik_som September 11, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud oo qudbad kooban ka jeediyay Dugsiga sare ee Tababarka Booliska ee Jenaral Kaahiya ka gadaal markii cod caqlabiyad leh uu kaga guuleystay Murashixii la tartamayay ee Madaxweynihii hore ee dalka Soomaliya ayaa waxa uu ballan qaaday in Soomaaliya mar kale ay dib ugu soo laaban doonto Beesha Caalamka. 

Madaxweynaha ayaa waxa uu rajo ka muujiyay in laga bixi doono Daruufihii adkaa ee soo maray dalka, isagoo tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed uu u furmay Beej cusub oo loo baahan yahay in la gacan siiyo. 

Prof. Xasan Sheekh Max’ud ayaa waxa uu sidoo kale ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed inay cagta saareen wadadii nabadda, isagoo ka codsaday in lagu gacan siiyo Dowlad waddanka oo dhani ka hana qaadda, wax badanna ay ka qabato xaaladda haatan uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya. 

Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud ayaa xalay waxaa si rasmi ah uu ugu guuleystay qabashada xilka Madaxtimo ee Soomaaliya, kaddib Doorasho Muddo saacado ah qaadatay oo ka dhacday Xarunta Iskool buluusiya ee Magaalada Muqdisho, waxaana hor yaalla waxyaabo badan.

Comments are closed.

Facebook

Twitter