Madaxweyne Shariif: Odayaasha dhaqanka haloo Madaxbaneeyo Shaqadooda

maalik_som August 20, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in Odayasha dhaqanka loo madax baneeeyo soo xulista Xubnaha cusub ee barlamanka Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha Dowladda oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in loo baahan  yahay in la dhowro heshiisyadii lagu gaaray Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia iyo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Odayaasha dhaqankana loo madaxbaneeyo soo xulista Xubnaha barlamanka cusub.

Madaxweynaha ayaa inta uusan la hadlay Warbaahinta waxa uu kasoo baxay kullan xasaasi ah oo ay wada qaateen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo AMISOM kuwaasi oo looga wada hadlay ammaanka iyo  siyaasadda Soomaaliya.

Mudane Shariif ayaa ka dalbaday guddiga farsamada in Odayaasha dhaqanka loo madaxbaneeyo soo xulista Xildhibaanada barlamanka cusub.

Madaxweyne Shariif ayaa soo hadal qaaday dhinaca Ammaanka, isagoo xusay in lagama maarmaan ay tahay in dalka aan loo horseedin qas iyo jahwareer, wuxuuna carabka ku dhuftay in fursad aan la siin  sida uu hadalka u dhigay dagaalyahannada Al Shabaab.

Ugu dambeyn Taliyaha AMISOM ee Soomaaliya ayaa isna hadlay, waxaana uu u mahadceliyay Madaxada Dowladda sida ay u guteen Waajibaadka Ciidda iyo siyaasadooda, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in aan la daadin dhiig. Dowlad cusubna loo gudbo.

Comments are closed.

Facebook

Twitter