Madaxweyne Shariif: Ma hakan doono Xiriirkeena Ethiopia

maalik_som August 23, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ku xiggeenka Safiirka Dowladda Ethiopia u fadhiya dalka Soomaaliya Danjire Jamaalu-diin Mustaf Cumar oo siyaabo kala duwan shir jaraa’id ugu qabtay Safaaradda Ethiopia ay ku leedahay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kaga  hadleen xiriirka labada dal ka gadaal geeridii Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Ethiopia Melez Zanawi. 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Warbaahinta kula hadlay gudaha Safaaradda Ethiopia ay ku leedahay Magaalada Muqdisho ka gadaal markii uu saxiixay Buugga Tacsida Ra’iisul wasaarihii hore ee Ethiopia Melez ayaa waxaa uu sheegay in xiriirka u dhaxeeya waddamada Soomaaliya iyo Ethiopia uusan hakan doonin islamarkaana sare loo qaadi doono. 

Jamaalu-diin Mustaf Cumar, ku xiggeenka Danjiraha Ethiopia u fadhiya dalka Soomaaliya oo isna Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in geerida Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Ethiopia aysan saameyn ku yeellan doonin xiriirka labada dal, isagoo carabka ku adkeeyay in xiriirka ka dhaxeeya wadamada Soomaaliya iyo Ethiopia uu sii wanaagsanaan doono. 

Ra’iisul wasaarihii geeriyooday ee dalka Ethiopia Melez Zanawi ayaa waxa uu xiriir soke uu la lahaa dowladihii Kumeel-gaarka ah ee soo maray dalka, iyadoo Ethiopia la wada xusuuto in hub iyo ciidan ay gallisay sidii ay u taageeri laheyd Dowladdahaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter