Muqdisho: (Sh. M. Network) Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Degmooyin uu magacaabay gobolada dalka Soomaaliya aysan xaq u laheyn inay ka hadlaan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda KMG Soomaaliya.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Golaha Wasiirada aysan ka hadli karin degmooyinka uu gobolada dalka Soomaaliya u magacaabay Madaxweynaha.
Mudane Shariif ayaa waxa uu carabka in Golaha Wasiirada aan looga fadhin inay ku mashquulaan shaqo Xafiiska kale, hase ahaatee looga baahan yahay inay ku mashquulaan shaqada Xafiiskooda, isagoo tilmaamay in muddo badan la isla so shaqeynayay islamarkaana la magacaabayay degmooyinka sida uu hadalka u dhigay.
“ Su’aasho waxay tahay Golaha Wasiirada waxaa laga rabaa inay ku mashquulaan shaqooyinkooda, maahan inay ku mashquulaan shaqo Xafiis kale, waa lasoo wada shaqeynaayay, Degmooyinkana waa la magacaabayay, Xaqna u malahan in Xafiiska iyagu magacaabay wax kasoo baxay inay kasoo horjeestaan” sidaasi waxa yiri Madaxweyne Shariif.
Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheeh Axmed uu degmooyin uu u magacaabay qaar ka mid ah gobolada dalka ay si cad ugu soo horjeesteen Golaha Wasiirada oo shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.























Comments are closed.