Madaxweyne Obama oo baaq u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud

maalik_som September 26, 2012 Comments Off

New York: (Sh.M.Network)  Madaxweynaha Dowladda  Maraykanka ayaa soo dhaweeyay Madxweynaha Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ed.

Isagoo qudbaddii ugu horeysay ku daah furay kullanka Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa waxa uu ka hadlay  Madaxweynaha Dalka Maraykanka  Barack Obama Xaaladaha Soomaaliya.

Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud oo uu sheegay in loo doortay si taariikhi ah, isagoo xusay in looga fadhiyo in uu wax badan ka qabto xaaladaha Soomaaliya, iyana ay garab taagan yihiin. 

“Waan soo dhaweynaynaa Doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud, waa wax lagu farxo in Muqdisho ay doorashada nuucaasi oo kale ah ay ka dhacaan, haddii aanu nahay Dowladda Maraykanka waan garab taagannahay, waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha cusub in uu la yimaado siyaasad cusub” sidaasi waxa yiri Madaxweyne Obama.

Obama ayaa waxa uu sheegay in wadamada Beesha Caalamka looga fadhiyo inay garab istaagaan Dowladda cusub ee Soomaaliya, maadaama dalka uu galay waji cusub sida uu hadalka u dhigay.

 Dowlado badan ayaa soo dhaweeyay Doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud looga fadhiyo inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaare wax ka qabta dhibaatooyinka Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter