Madaxweyne Geelle: Hala taageero Prof. Xasan

maalik_som September 17, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay Caleemo saarka shalay Magaalada Muqdisho loogu sameeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Dowladda haatan jirta oo uu hoggaaminayo Prof. Xasan Sheekh Max’ud looga baahan yahay inay xaqiijiso ammaanka dalka Soomaaliya. 

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya laga taageero dhinaca sugidda ammaanka oo uu tilmaamay in Udub dhexaad uu u yahay habsami u socodka iyo hergallinta Hay’adaha Federaalliga ah ee dalka Soomaaliya.

Ammaanka Dalka Soomaaliya oo mudoo 21-sano ahaa mid faraha kasii baxayay ayaa haatan Dowladaha Caalamka ee taageera Soomaaliya waxa ay ugu baaqeen Madaxdooda inay xaqiijiyaan ammaanka Dalka oo ah muhiimadda Koowaad.

Comments are closed.

Facebook

Twitter