Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi Uu Hogaaminaayo Oo Turkiga U Ambabaxay

maalik_som December 4, 2012 Comments Off

MOGADISHU(Sh.M.Network)— Wafdiga Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan Xubno ka tirsan Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho kuwaasi oo ku sii jeeda wadanka Turkiga.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Ra’iisulwasaare ku xigeynada ahna wasiirada arimaha dibadda Marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji , Wasiirka Gasshaandhiga Cabdi Xakiin Xaajo Maxamuud Fiqi iyo wasiirka Maaliyada iyo xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya .

Madaxweynaha Soomaaliya oo casuumaad ka heley Dowladda Turkiga waxaa garoonka diyaardaha ee magaalada Muqdisho ku sogootiyey Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoom Saacid gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo xubno ka tirsan Xukuumada Soomaaliya.

Markii ay ambabaxeyn Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa saxaafada la Hadley Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh cusman jawaari isagoona sheegey in Madaxweynuhu uu casuumaad ka heley Dowladda Turkiga isagoona xusey in madaxweyn Xasan Sheekh uu mas’uuliyiinta Turkiga kala hadlayo Sidii Dalka Soomaaliya looga taageeri lahaa dhanka dhaqaalaha dub u dhiska Dalka xiriirka diblumaasi ee Soomaaliya iyo turkiga iyo sidii Dowladda Turkiga dowladda Soomaaliya uga gacan siin laheyd tababarka ciidanka dowladda Soomaaliya.

Waa safarkii ugu horeeyey ee Madaxweynaha Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tago Wadan Ka baxsan Qaarada Afrika tan iyo markii loo doortey Xilka madaxtinimo ee Dowladda Soomaaliya balse dowladda Turkiga ayaa wadanka colaaduhu Ragaadiyeen ee Soomaaliya usoo gurmatey snadkii 2011 ka xiligaas oo abaar ku dhufteyn Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya

Comments are closed.

Facebook

Twitter